Ciidamada Amaanka Mombasa oo Toogtay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Shabaabnimo

0

Ciidamada  Amaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya  ayaa toogasho ku dilay labo nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ka Tirsan Yihiin Xarakada Al-shabaab, laamaha amaanka kenya ayaa sidoo kale sheegay in ragaan ay kamid ahaayeen kuwa ka baxsaday Howlgal laga sameeyay Majengo iyo Malindi, ee Magaalada Mombasa.

Taliye ku xigeenka policeka saldhiga Kisauni Walter Abondo ayaa sheegay labadan nin ay ahaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayaan in ay qaadaan weerarro ka dhaca Mombasa.

Booliska Magaalada Mombasa ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay  17 rasaas ah, saddex qarxa dareere, afar qaraxa caag ah iyo afar qarxiyayaal bam, oo la sheegay in ay isticmaalayeen labada nin ee la dilay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here