Tan iyo markii Dowlada Soomaliya ay ku dhawaaqday in ay dalka ay isaga baxaan Shaqaalaha shaqaalaha Hay’ada Nile Academy ee dalka Turky-ga laga leeyahay ayaa waxaa isaga soo tarayay shaqaalaha dib ugu laabanaya dalkooda.
Isbitaalka Deva oo hoos yimaada Hay;ada Nile Acadamy waxaa maanta fuurjiyay dhamaanba shaqaalihii ka Howlgalayay isbitaalka oo isugu jirey ajaabib iyo soomaliya, iyadoo shaqaalihii ajaabinta ee dalka Turky-ga ay isla saakay ay ka dhoofeen Garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qof kamid ah shaqaalaha Isbitaalka oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in haatan aysan jirin wax shaqaalo ah oo ka ku sugan xarunta Isbitaalka balse ay ku sugan yihiin tiro Mas’uuliyiin ah oo ka Tirsan Hay’ada Nile oo iyaga qorshanaya in ay ka baxaan dalka.
Waxa uu hadalkiisa ku daray in xarunta aysan haatan ka soconin wax shaqo ah islarmarkaana ay la wareegeen amaanka Guud Ciidamada Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliya oo dhawaan xarunta gaaray.
Tan iyo markii uu afgambigii dhicisoobay uu ka dhacay dalka Turky-ga Dowlada Soomaliya iyo Turky-ga ayaa ku heshiiyay in shaqada laga joojiyay islamarkaana laga saaro dalkooda Hay’ada Nile Acadamy ooay maamulaan Madaxdii ka dambeysan afgambigii.






