Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab oo isku Soo Dhiibay Maamul Goboleedka Galmudug

0

Taliska Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Gobalka Mudug iyo Ciidamada Booliska Maamulka Galmdug ayaa Maanta soo Bandhigay Sarkaal Sare oo ka soo goostay Al-shabaab ee ka Arimiya Degmada Xarar-dheere ee Koofurta Gobalka Mudug.

Sarkaalaan oo lagu Magacaabo Maxamed daahir shuuriye ayaa waxaa Ciidamadu Maanta  ay ku Soo bandhigeen Saldhiga Ciidamada Booliska Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo la Tilmaamay in iskiis uu iskaga soo baxay Al-shabaab islamarkaan uu isku soo dhiibay Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Galmudug ee Gaalkacyo.

Maxamed daahir shuuriye oo saxaafada kula hadlay Saddhiga Booliska Galmudug ee Galkacyo ayaa Sheegay in si Nabadgalyo ah uu iskugu soo Dhiibay Ciidamada Galmudug ayna soo dhaweeyeen islamarkaan ka tanasulay ka mid ahaanshaha Al-shabaab hada wixii ka danbeeyana  uu Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Mudug uu kala shaqayn doono sidii Al-shabaab looga saari lahaa Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobalka Mudug.

Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa Horey u sheegay in ay Soo dhaweynayaan Saraakiisha iyo Askarta u Dagaalanta Al-shabaab hadii ay isa Soo Dhiibaan ay ahmiyad gaar ah siin doonaan shaqsigii iskiis uga soo baxa Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here