Kenya oo Beenisay in Ciidamadeeda ay Dhibaatooyin ka Geysteen Gobolka Woqoyi Bari ee Dalka Kenya

0

Xili dhawaan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rigths Watch, ay ciidamada Kenya ku eedeeysay in ay dhibaatooyin aan loo meel dayin ay ka geystaan Gobolka Woqoyi bari ee dalka Kenya ayaa arintaas waxaa beenisay dowlada Kenya.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowlada Kenya oo warbaahinta Kenya la Hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rigths Watch oo sheegaysa in ciidamada Kenya ay xasuuq ay ka geysteen Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin  somali-kenyaan.

Warbixinta oo ka kooban 87 bog ayay hay’addu sheegtay inay ka diyaarisay baaritaan qaatay siddeed bilood oo laga sameeyay magaalooyinka Nairobi, Garissa, Wajeer iyo Mandheera, laguna waraystay 117 qof oo isugu jira dhibbaneyaal, goob-joogeyaal, qareenno, wariyeyaal, ururrada xuquuqda aadanaha iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rigths Watch,  ayaa dowlada Kenya ku eedeysan Sidoo kale in Ciidamadeeda  ay afduubteen 34-qof oo ilaa haatan aan la ogeyn halka la geeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here