Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo wehliyaan saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xogga dalka soomaliyeed ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose.
Ujeedka Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud uu halkaasi u tagay ayaa ah sidii tababar loogu soo xiri lahaa Cutubyo ka Tirsan ciidamada Kumaandooska Somaliya, kuwaasi oo muddo tababaro halkaasi ku qaadanaayay.
Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa tababarada waxaa lagu siiyaa Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose , waxaa tababarka bixiya Saraakiil ka Tirsan Dowlada Mareykanka.
Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa tan iyo markii dib loo qalabeeyay waxa ay qaadeen Howlgalo lagu qaarjiyay saraakiil iyo ciidamo ka Tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ka dhacay koonfurta dalka Soomaliya.

