Mas’uul ka Tirsanaa Xafiiska Raisulwasaaraha Soomaliya oo Meydkiisa Laga Helay Hoteel ku yaala Nairobi

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta  Dalka Kenya Ayaa waxa ay Sheegayaan in halkaasi uu ku Geeriyooday Masuul la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska RW Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Masuulkan ayaa ahaa ku-xigeenkii Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Yusuf Aadam oo loo yaqaannay (Mohamed Khayr).

Maydka Marxuumka ayaa wararku waxay tilmaamayaan in laga helay mid kamid ah Hotellada ku yaalla magaalada Nairobi Caasimada dalka sida la xaqiijiyay,

Lama Xaqiijin sababta ka dambeysa geeridiiisa  iyo Qaabka uu u Dhintay Masuulkaasi, Dowlada Soomaaliyana kamaysan hadlin illaa iminka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here