Madaxweyne Axmed Madoobe oo Digniino u Jeediyay Dadka Xoogga ku Heysto Dhulalka Dowlada+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee  Gobolka  Jubada Hoose ayaa digniino u jeediyay dadka xoogga ku heysto dhulalka, Guryaha danta Guud ee Ku Yaala deeganada Maamulka Jubba-land.

“Meshaan nin walba marbuu joogayaa tan aan maanta joogno waxa aan maanta rabnaa anagoo dhaqan galinayso system-ka ay dhaqan galisay Dowlada Soomaliya ee ahaa in aan talaabo ka qaadno dadka xoogga ku heysto guryaha dowlada, Guriga Dabaqa ee Xaaranta lagu dhisay waa la dumin, dhulka la bililiqaystay waa la dumin ayuu yiri”,   Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed.

“Guryaha Talyaaniga, Carabta, Hindida waa in ay gacanta dowlada ku jiraan waa in ay wakiil ka Noqotaa Dowlada , ma jiri doonto waxa la yiraahdo saaxiib ayaan la ahaa iyo cid hiblaa isiisay ayuu hadalkii kusii daray Madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Madaxda Maamulka Jubba-land iyo qof walba laga soo celin doono hadii uu xoog ku heysto dhulka Dowlada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here