Waqtigii Lagu Balansanaa Doorashada Soomaliya Ka Dhici Laheyd oo Dib Loo Dhigay

0

Bisha August ee sanadkaan 2016-ka waxaa dhamaanaya xiliga dowlada Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud oo sanadkii 2012-ka ku guuleystay In uu noqdo Madaxweynaha Soomaliya kadib doorasho lagu qabtay dalka.

Warar ay idaacada simba halayso ayaa tilmaamaya In dib u dhac uu ku yimid waqtigii loogu talagalay doorashada soomaliya in ay ku dhacdo.

Madasha Qaran ee lagu balan sanaa 17 bishaan Luuliya oo dib loo dhigay laguna balan sanaa 25 isla bishaan Luuliya uu hadana dib ugu dhacay 2 Ogoosto.

Doorashada ayaa la sheegay in ay dhici doonto Bisha Novermer ee sanadkaan 2016-ka halka Dooorashada Madaxweynaha ay dhici doonto Bisha December.

Ajan dayaasha muranku ka taagan yahay ee hor yaal Shirka u dambeeya ee Madasha Qaran wada yeelan doonaan 2 Ogoosto waa sidaan.

1– Waxaa lagu muran san yahay goobta ay ka dhacayso Doorashada Madaxeynaha.

2–Xildhibaanada Soomaaliland ee Aqalka Sare oo Soomaaliland ay diidan yihiin iney wax ka siiyaan Beelaha Warsangali iyo Dhulbahante.

3–Gobolka Hiiraan oo ku doodaya in Xildhibaanadooda Aqalka Sare iyo kan hoosaba la farafaraynayo oo Isimadooda loo daba marteeyey.

4–Waxaa iyana Muran xoogan ka taagan yahay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, Suna Waljameeca iyo Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa ku muran san.

Qodobadaan wali muran xoogan ayaa ka taagan waana kuwa dib u dhigay doorashada Qaran.

Hogaamiyaasha Madasha wadatashiga ayaanan soo saarin qodobo cadeynaya in  dib u dhac uu ku yimid waqtigii  doorashada soomaliya ku dhici laheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here