
Golaha amaanka iyo nabad galyada midowga afrika ayaa sheegay in ay furayaan sanduuq lagu shubayo lacago wax looga qabto la dagaalanka waxa loogu yeero arga gixisada.
ismaaciil Al-sharqaawi oo kamid ah xubnaha golahaasi oo la hadlay wakaalada wararka u fidisa wadanka Turkiga ee ANADOL ayaa sheegay in golaha amaanka iyo nabad galyada midowga afrika ay dajiyeen qorshooyinkaasi.
“Waa in aan la dagaalanaa argagaxisada ka kala dagaalanta wadamada Afrika sida Soomaaliya, Nigeria, Libya iyo guud ahaan gobolka” sidaana waxaa yiri Ismaaciil Al-Sharqaawi.
gunaanadkii Al-Sharqaawi waxa uu si gaar ah ugu hadlay ciidamada AMISOM ee ku sugan soomaaliya isagoona shaaciyey in ciidamadaani ay Soomaaliya kusii sugnaan doonaan gudaha soomaaliya ilaa 2018-ka bisha Oktober oo ku eg xiliga joogista soomaaliya.
Ismaaciil Al-Sharqaawi ayaa sheegay in 23-ka bishaan luuliyo ay kulan xubnaha golaha amaanka iyo nabad galyada midowga afrika ay ku yeelanayaan magaalada Nabaatshad ee caasimada Murutaani.
kulankaasi ayuu si hordhac uu u sheegay in looga arinsan doono khataraha argagixisada wadamada Somalia, Nigeria, Libya iyo wadanka koofurta Sudan oo laga cabsi qabo in dagaalada u dhaxeeyo madaxweye iyo madaxweye ku xigeenkaasi uu isku badalo mid arga gixisadu ay ka faaideysato.
