Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD iyo odoyaasha Gobolka Hiiraan ayaa kulan saacado badan qaatay waxa ay ku qaateen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Inkastoo ay adag tahay in la hello xog dhameystiran oo la xiriirta kulanka Beledweyne ku dhaxmaray IGAD iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Warbaahinta waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ka wadda hadleen suurtagalnimada in la sii anba-qaado wadda-hadallada ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada Gobol Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaya in aysan ka qeyb galin shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe kadib markii ay sheegeen in ay waayeen waxyaabihii lagula heshiiyay odoyaasha Gobolka Hiiraan ee ku aadan awood qeybsiga.
Urur Goboleedka ayaa u Muuqda mid ku adkeysanaya in la dhameeyo khilaafka ay tabanayaan Odayaasha Gobolka Hiiraan, Dowlada soomaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya ayaa ku guuldareysatay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

