Wararkaka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somali-land ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu halkaas ku geeriyooday Ala Ha u naxariistee Fanaanka weyn ee Shey Mire Dacar oo mudooyinkii dambe ku xanuunsana.
Caabi Mire Dacar oo ay wada dhasheen marxuum Shey Mire Dacar , ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkiisa, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somali-land.
“Allaha u naxariisto walaal waa uu geeriyooday Shay Mire Dacar. 3-dii galabnimo ayuu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala xaafadda boqol iyo kontonka. Muddooyinkii ugu dambeysayba wuu ku xanuunsanaayay.” Ayuu yiri Caabi Mire Dacar.
Shey Mire Dacar ayaa fanka ka bilaabay Magaalada Ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, waxaana uu uga sii gudbay Magaalada Boosaaso, sanadihii dambe waxa uu ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land

