Aas loo Sameeyay Labo Wasiir Dowle iyo Nabadoon ka Tirsan Galmudug oo Xalay ku Geeriyooday Shil gaari+Sawirro

0

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa Maanta aas loogu sameeyay Labo Wasiir Dowle iyo Nabadoon ka tirsan Galmudug oo Xalay ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Degaanka Saddex Higle ee Gobolka Mudug iyo askari la socday.

labada wasiir Dowle ee xalay ku geeriyooday Shilka Gaari  ayaa waxay kala ahayeen wasiiru dowlaha wasarada howalaha guud iyo dib u dhiska Aweys Cali Saciid Wasiiru dowlaha maaliyada galmudug Axmed C/llaahi Diiriye iyo Nabadoon Cabdulaahi Yuusuf Guleed oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaano gobolka mudug.

Aaska waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxweynha Maxamed xaashi Carabey wasiiro, xildhibaano iyo shacabka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

gl1 gl2 gl4 gl5 gl6 gl7 gl8 gl10 gl11

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here