Burcad La Sheegay in ay Isticmaalayeen Magaca Hay’ada Nabad Sugida oo Gacanta Lagu Dhigay+Sawirro

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay burcad  la sheegay in ay isticmaalayeen Magaca Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaliya ee NISA oo laga qabtay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa sheegay in  wax laga xishoodo aan dhagaha u wanaagsaneen ay tahay In la maqlo rag shacabka soomaliyeed ku dhacaya Magacya Ciidamada  Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya.

“Waxaan Rabaa in aan u mahadceliyo Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya  oo qabtay shaqo layaab Leh oo umada soomaliyeed usoo dhiciyay Alaabtooda , maanta kama hadlaayo Shabaab, waxaan ka hadlaayo waa kuwa Nacasiin ah oo isticmalayay MagacA Nabad sugida  Masaakiin ayay u garaaceen gurigooda iyagoo dhahaayo waxbaan baareynaa waxayna sameeyeen waxa laga xumaado oo ah in ay dhaceen ayuu yiri” afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa u mahadceliyay shacabka Xaafadada Suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa oo uu ku aamaanay sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada Amaanka wuxuu sidoo kale sheegay in sharciga la marsiin doono kuwa gacanta lagu soo dhigay Maanta.

1468767916e02fd 14687679038810f 1468767909af15b 1468767909b41be 1468767913f25ee 1468767921aa044 1468767925bc201 14687679303d2b8 1468767905050e1 14687679063627e 146876791988303 (1) 146876791988303 146876792834529

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here