Dowlada Turky-ga oo Mareykanka ka Dalbatay in Lagu Soo Wareejiyo Wadaad Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay

0

Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyib Erdogan ayaa codsi u jeediyay dowlada Mareykanka oo ku aadan in dowladiisa lagu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turky-ga ka dhacay.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo Taageer badan  kula hadlay magaalada Ankara oo kamid aheyd meelihii ay ka dhaceen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay ayaa Madaxda Mareykanka ka dalbaday in dowladiisa lagu soo wareejiyo Fathullah Gulen oo la aaminsan yahay in uu yahay Maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay.

Recep Tayyib Erdogan ayaa tilmaamay in dowladiisa ay Talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen  oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda madaxda Turky-ga islamarkaana dalkaas laga masaafuriyay dhawaan.

Inta la xaqiijiyay 180-qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 1,440 oo kale kadib markii dalka uu ka dhacay afgambi dhicisoobay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here