Adeegyadii ay Bixin Jirtay Hay’adda Nile Academy ee Soomaliya oo La Joojiyay

0

Kulan ayay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ay maanta ku yeeshteen magaalada Muqdisho ayay Goluhu waxa ay isku raaceen  qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Dawlada aan walaalaha nahay ee Turkiya:

  1. Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
  2. In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.
  3. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.

Hay’adda Nile Academy ayaa  kamid ah Hay’adaha ka Howlgala Magaalada Muqdisho adeegyada ay bixiyaan ayaa waxaa kamid ah waxbarasho heerar kala duwan leh, waxaa sidoo kale jira in Hay’adaan ay wax ka leeyihiin madaxdii soo Abaabushay afgambigii dhicisoobay ee dalka turkey-ga ka dhacay Xalay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here