Kooxda Manchester City ayaa aad u xiisanayso Goolhayaha PSV Jeroen Zoet sida maanta lagu daabacay Daily Mail.
Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya In macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola uu bartilaameed ka dhiganayo goolahayaha Holland kaasi oo kooxdiisa PSV kula guuleystay xili ciyaareedkii hore Horyaalka Eredivisie.
Manchester City ayaa sidoo kale xiisanaysa goolhayaha kooxda Barcelona Marc-Andre ter Stegen oo aan boos ka haysan kooxdiisa dhanka Horyaalka Spain.

