Banaanbax Loogu Soo Horjeedo Afgambigii Dalka Turkiga oo Maanta ka Dhacaya Muqdisho+Dhageyso

0

Banaanbax loogu soo horjeedo Afgambigii Dhicisoobay ee Ka dhcay Dalka Turkiga ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in  maanta caasimada lagu qaban doono banaanbax loogu soo horjeeda afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turky-ga kaasi oo lala damacsanaa in lagu rido Dowlada uu Hogaamiyo.

“Banaanbaxan wuxuu ku saleysan yahay oo maanta shacab weynaha Somaliyed ee Xamar degan isugu soo banaanbaxayaan oo fagaaraha waaweyn ay isugu imaanayaan iyadoo aanan qof ka hareyn, waxa ay aad iyo aad uga xun yihiin arintii ka dhacday dalka Turkiga aad ayeey uga soo horjeedaan, shacabka Somaliyed waxay aad u taageersan yihiin Dowladda Turkiga oo walaalo gaar ah la leh Umadda Somaliyed, waxaan u soo baxeynaa Jiritaanka Dalka Turkiga.”Ayuu yiri Xalane.

Meelo kale oo dunida ah ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo loogu soo horjeeday Afgambigii Dhicisoobay Ee Ka dhcay Dalka Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here