Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in saaka Barqadii uu Halkaasi ka kacay Dab qasaare hantiyadeed geysty.
Dabka ayaa kacay xilli dadku ay mashquulsanaayeen waxaana muddo qaadatay in dabka la damiyo,waxaana muddo kadib xilliga dabku uu kacay kadib gaaray goobtaas dab damis ay leedahay Shirkadda Hormuud Telecom.
Goobta ayaa waxaa ka dhashay qasaare hantiyadeed oo aad u xooggan iyadoona uu gubtay inta badan guriga dabku ka kacay iyo alaabtii ku jirtay.
Mid ka mid ah dadka uu gurigoodu gubtay ayaa u ga warrantay Idaacadda Simba sida ay wax u dhaceen.
Halkaan ka dhageyso Codka.

