Shirkii Gollaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Sharciyaynta Dhulalka Dowlada ee ay shacabku dagan yihiin(SAWIRRO)

0

Xarunta Guriga Martida Jubbaland waxaa maanta ku qabsoomay Shirka Gollaha Wasiirada Dowlada Jubbaland oo uu Shir Gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo goob joog ahaa labada Madaxweyne ku xigeen.

Kulanka maanta waxaa si aad ah diirada loogu saaray arimaha dhulka oo ah mushkilada ugu culus ee hada ka jirta Magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee Jubbaland.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa soo gudbisay in Dowladu ay sharciyayso afar xero oo ciidan kuwaas oo dad badan oo ree Jubbaland ah ay dagan yihiin iyadoo wasaaradu ay sheegtay in xeryahaas oo kala ah Xerada Guulwade, Difaaca Cirka, Mariino, iyo Difaaca Xeebaha loo sharciyeeyo dadka hada dagan.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday dhulka Dowladu ay leedahay in dadka guryaha ka dhistay mudadii burburka loo daayo oo loo sharciyeeyo taas ayaana la isku raacay oo Gollahu uu  Ansixiyay iyadoo cod loo qaaday inta badan xubnaha Gollaha ayaa tageeray soo jeedinta Wasaarada waxaana ku raacay Madaxweynaha iyo labada ku xigeen.

Xukuumada  Jubbaland ayaa ku mashquulsan sidii sharciyad looga soo saari lahaa dhulka Dowlada iyo muranada ka jira arimaha dhulka.

S09A9121 S09A9123 S09A9125 S09A9126 S09A9128 S09A9143S09A9133 S09A9140  S09A9144
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here