Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyus ayaa warqadiisa aqoonsiga Safiirnimo ka Gadoomay safiirka Cusub ee soomaliya u fadhin doona dalkaas Danjire Jamal Maxamed Barrow oo sidoo kale ah safiirka wadamo badan oo qaarada afrika ku yaala.
Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa wuxu dhanbaal iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha Dowlada fedralka ee Soomaliya mudne Xasan sheikh Maxamuud gudoonsiyay madaxweynaha Filipe Nyus
“Waxaan Salaan iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,Dowllada Soomaaliya iyo Shacabka intaba”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow Danjiraha Cusub ee soomaliya u magacday dalka Mozambique.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyus ayaa tilmaamay in dalkiisa uu bilaabi doono sidii uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa dalka Soomaliya.

