Meydka Ruux Rayid ah oo Saaka lagu Arkay Deegaan Hoostaga Magaalada Baladweyne.

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Deegaanka lagu magacaabo Luuqjeelow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan meydka Ruux dhalinyaro ahaa ayaa lagu arkay deegaankaasi Saaka Waabarigii.

Ruuxa Maeydkiisa Saaka lagu arkay deegaankaas ayaa la sheegay inuu la shaqeynaayay Hay’ad NGO ah oo ka howlgasha Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana dadka qaar ay inoo sheegeen in ruuxan  meesha lagu dilay looga yeeray,kadibna laga war helay Meydkiisa oo saaka meesha yaalla.

Qaar ka mid ah Ehelada Marxuumka la dilay ayaa sheegay markii ugu dambeysay ee guriga uu ka tagaayay uu u sheegay reerkooda inay la soo xiriireen xubno ka tirsan Shabaabka ayna u sheegeen in dacwad loo qabo oo deegaankaasi uu yimaado,taasina aysan ogeyn waxa ka jira haddana ay ka war heleen.

Marxuumka la dilay ayaa Magaciisa lagusoo gaabiey Cali Cabdulle,iyadoona aanan la garaneyn, sababta sida rasmiga ah uga dambeysa dilkiisa,Wararka waxa ay sheegayaan meydka ruuxaasi dhalinyarada ah in saaka lagu wado in halkaasi laga qaado oo aas loo sameyo eheladiisu sida ay u xaqiijiyeen Idaacadda Simba ee Muqdisho, maadaama isaga oo meyd ah dadka ay saaka arkeen.

Muddooyinkaan ayaa waxaa gobolka hiiraan kusoo badanaya dilalaka loo geysanayo dadka wax galka u ah Bulshada,waxaana horay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan loogu dilay dadyoow kala duwan oo ay ku jiraan Siyaasiyiin,Macalimiin iyo xubno la shaqeeya hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolkaasi hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here