Maamulka Koonfur Galbeed ee soomaliya ayaa sheegay in ay dileen rag ka Tirsanaa al-shabaab kadib dagaal ka dhacay deegaano iyo Tuulooyin Hoos Yimaada degmada Diiinsoor ee gobolka Baay
Taliyaha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ee degmada Diinsoor Maxamed Xasan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay qeybo kamid Gobolka Baay in ay ku dileen Tiro ka Tirsan al-shabaab
Maxamed xasan Taliyaha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ee degmada Diinsoor ma uusan shaacin Tirada al-shabaab ka Tirsaneed ee lagu diley degmada Diinsoor ee Gobolka Baay
Maamul Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay Gaari doonaan Tuulooyin ay wali sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab oo Hoos Yimaada Gobolada Bay iyo Bakool
Wali wax war ah kama soo Bixin dhanka al-shabaab ay kaga Hadlayaan sheegashada Maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan in ay dileen askar ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab kadib dagaal ka dhacay qeybo kamid ah degmada Diinsoor

