Dhageyso:- Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland oo Tababar loosoo Xiray+ Sawiro

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimco ah tababar usoo xiray Ciidamo ka tirsan booliska Maamulkaasi oo in ka badan labo bilood uu tababar oga socday Dugsiga Tababarka Abqaale ee gobolka Mudug.

Munaasabada tababarka lagusoo xirayay ayaa waxa ku sugnaa wasiirka amniga wasiirka Maaliyadda Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland,iyo Masuuliyiin ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali qarjab oo ka hadlay munaasabada ayaa balan qaaday in askari aan tababar marin aan loo aqoonsan doonin inuu kamid yahay ciidanka Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhexeeya markii ciidamadaan tababarka loo furayay iyo maanta oo ay yihiin ciidamo helay tababar ku filan oo uu sheegay inay Wax ka badalikaraan Amniga Deegaanada Mamulkaasi

Madaxweyne Gaas ayaa u balanqaaday ciidamada in wixii waajib ah oo lagu leeyahay xukuumadiisa ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugudandoonto, wuxuuna kula dardaarmay inay cadaalad kula shaqeeyaan, sharciga dhowraan isamarkaana ilaaliyaan Nidaamka dowliga ah.

Muddooyinkii Dambe Waxaa isasoo trayey Ciidamada ka tirsan Puntland ee Sameeynaya Gadoodka Ka dib Markii ay Sheegeen inaan la siinin Mushaaraadkii ay Xaqa u lahaayeen Waxaana dhawr Mar Ciidamo Gadoodsan ay la Wareegeen Xarumo Muhiim ah oo ku yaalla Magaalooyinka ugu Waaweyn Ee Puntland.

IMG_1690IMG_1752IMG_1753IMG_1766IMG_1769IMG_1776IMG_1780IMG_1782IMG_1786IMG_1788IMG_1799IMG_1802IMG_1814IMG_1817IMG_1826IMG_1889IMG_1893IMG_1896IMG_1900IMG_1906IMG_1949IMG_1975IMG_1982IMG_2001IMG_2017IMG_2020IMG_2069IMG_2088IMG_2089IMG_2097IMG_2127IMG_2175IMG_2205IMG_2236IMG_2259IMG_2278IMG_2280IMG_2285IMG_2288IMG_2325IMG_2329IMG_2340IMG_2344IMG_2347IMG_2364IMG_2380IMG_2385IMG_2392IMG_2396IMG_2405IMG_2437IMG_2441IMG_2450IMG_2454IMG_2465IMG_2514IMG_2527IMG_2530IMG_2537IMG_2540

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here