Dhageyso:-Afduubka dadka Ajaanibta ah ee lagasoo afduubanayo Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo Sii Kordhaya.

0

Deegaanada dhaca dhinaca Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan gaar ahaan qeybta degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa hadda Waxaa ka taagan cabsi ka dhalatay afduub Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay geystaan gudaha Kenya iyagoo Ka tallaabaya Xaduudka labada dal.

Maamulka Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in arintaan dhawaanahaan ay soo badanaysay islamarkaana ka maamul ahaan ay dadaal badan ugu jiran wax ka qabashada arintaan.

Heybe Axmed Cabdullaahi oo ah Madaxa Amniga Degmad Dhoobleey oo la hadlay Radio Simba ayaa Sheegay hadda arintaan ay kusoo korortay dhanica xuduudka degmada dhoobley ay la leedahay Kenya oo ay jiraan dagaalyahanno Al-shabaab ah oo dadka ajaanibta ah kasoo afduubta gudaha xeryaha qaxootiga ee dalkaasi Kenya.

Maamulka degmada oo kaashanaya Shacabka deegaankaasi ayuu sheegay inay dadaal ugu jiraan soo afjaridda arintaan Waxaana uu digniin u diray dadka arintaan ku lugta leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here