Madaafiic Xalay Lagu Weeraray Xarunta Guud ee Ciidamada AMISOM

0

Madaafiic xoogan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu garaacay Xarunta guud Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 10-madfac ayaa lagu weeraray Xarunta sida ay idaaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegeen dadka ku nool degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

Korneyl Joe Kibet, Afhayeenka Ciidamada Amisom, ayaa wuxuu sheegay in madaafiicda lagu soo weeraray Xaruntooda, ay qaarkood gudaha ugu soo dhaceen Xaruntaasi.

Sidoo kale Afhayeenka, ayaa wuxuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay madaafiicda, iyadoo dhanka kalana uu sheegay inay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan goobta laga soo tuuray.

Cidna ma sheeganin mas’uuliyada madaafiicda xalay lagu weeraray Xarunta guud Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here