Gabar Soomaliyeed oo isku Gubtay Jaziiradda Nauru

0

Wararka ka imaanaya Jaziiradda Nauru ee ku taalla bartamaha Badweynta Pacific-ga ayaa tilmaamaya in gabar soomaliyeed  ay is gubtay.

Gabdha is gubtay ayaa kamid aheyd sida la sheegay dad magan-galiyo doon ah oo dawladda Australia ay ku hayso jasiiradaas,

Dowlada Australia ayaa ku eedeysay dadka soomalida ay ku jirto in ay si sharci daro ah ay ku yimaadeen dalka Australia isla markaana lagu haayo Jaziiradda Nauru.

Dhawaan ayaa nin u dhashay dalka Iran uu sidoo kale isna isku gubay jaziiraddaas, isaga oo markii dambe geeriyooday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here