Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa Boosaaso ku qaabilay wafuud heer Caalami ah

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 1-May-2016  ku qaabilay qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso  wefti balaadhan oo ka kala socday dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

Weftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ku soo dhoweeyey Xubno ka tirsan golaha xukuumadda  Puntland, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada reer Boosaaso.

Garoonka caalamiga ah ee Boosaaso oo wejigiisii koowaad dhowaan la soo gebagebeeyey ayaa dhaqaalaha ku baxay waxa bixisay dawladda Talyaaniga sidoo kalena wejiga labaad oo ay ku baxayso xaddi dhaqaale oo badan  ayaa waxaa bixinaysa dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waftigu ay u yimaadeen ka qayb galka daah-furka dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ee Boosaaso oo maalinta berri ah lagu qaban doono isla garoonkaasi munaasabad ballaadhan oo lagu daah-furi doono mashruucaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa dawladda talyaaniga uga mahadnaqay taageerooyinka ay u fidiyeen dawlada Puntland islamrahaantaane sheegay  in dawladda talyaanigu ay tahay  keliya ee Puntland ka hirgelisey mashaariicda ugu waawey tan iyo markii la’ aasaasay dawladda Puntland 1998-dii iyo xiliyidii sideetamaadkiiba, isla markaana sheegan in shacabka Puntland iyo dawladdiisuba aanay iloobi doonin sida ay u garab is taagtey dawadda Talyaanigu.

Dhinaca kale Madaxweynaha  Puntland, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaliya iyo xog-hayaha guud ee urur Goboleedka IGAD mudane Maxbuub Macalin ayaa si wada jir ah xadhigga uga jaray waddo laami ah oo gaadheysa 2km oo isku xiri doonta Dekedda  iyo jidka soddonka oo ay maal-gelisey dawladda talyaanigu.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaaay mashruucasi mid muhim u ah isu socodka gaadiidka u kala goosha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobollada kale ee Puntland iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya, sidoo kalena tilmaamay in wadadaasi ay culayska ka fududayn doonto waddada laamiga ah ee dhex marta gudaha magaalada Boosaaso.

 

IMG_6822 IMG_6826 IMG_6831 IMG_6865 IMG_6875

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here