Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa galabta ku qarxay afafka hore guri ku yaala xaafadda 1-da Maajo ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Warar ay idaacada simba halayso ayaa sheegaya in Labo qof oo la socotay gaarigaasi, markii ay gaariga ka dagteen kadib in uu qarxay waxaana jirin waxyeelo ka dhalatay qaraxa ka dhacay degmada waabari.
Gaarigan, ayaa waxaa la sheegay inay leedahay qof dumar ah oo ka tirsan dadka degan xaafadaasi 1-da Maajo, ee degmada waabari iyadoo ay dadka deegaanku sheegeen inay tahay hooyo haysata carruur agoon ah.
Dhanka kale Laamaha amniga dowlada soomaliya ayaa wali wada baaritaano ku aadan sida uu falkaan u dhacay iyo goobta qaraxa gaariga loogu soo xiray.

