Daafaca kooxda Manchester United Luke Shaw ayaa la rajeenayaa in uu garoomada kusoo laabto bilowga bisha may ee sanadkaan.
20-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska ayaa dhaawac kooxdiisa kaga maqnaa tan iyo bishii October kadib dhaawac kasoo gaaray kulan ay guuldaro kala kulmeen kooxda dalka Holland ee PSV ciyaar ka tirsaneed Champions League.
Macalinka kooxda Manchester United Luis Van Gaal ayaa warbaahinta u sheegay in daafaca Luke Shaw uu sameenayay tababar yar yar sidaas darteed ay macquul tahay in xili ciyaareedkaan dhamaadkii uu soo laabto.

