Daawo:-Ciidamada Puntland oo La Wareegay Guriga Hogaamiyaha Ururka Daacish ee Geeska Africa

0

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa la wareegay gurigii uu deegaanka Galgala ku lahaa Sheikh Cabdiqaadir Muumiin oo dhawaan sheegay inuu yahay hogaamiyaha Ururka Daacish ee Geeska Africa.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa puntland ayaa gaaray deegaanka Galgala  ee Duleedka magaalada Boosaaso. ee Gobolka Bari waxayna ugu dambeeyeen ay la wareegeen gacanta ku haynta gurigii Sheikh Cabdiqaadir Muumiin oo dhawaan ururka daacish ku biiray.

Sheikh Cabdiqaadir Muumin oo ku noolaan jiray dalka Ingriiska ayaa ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, waxaana markii dambe uu sheegay inuu ku biiray Daacish, isagoo dhawaan soo bandhigay muuqaal.

https://youtu.be/WtcXFTLaZAw

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here