Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo ku Laabtay Magaalada Boosaaso +Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa waddamada  Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta 30-April-2016 dib ugu  laabtay puntland waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada  Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Safarka Madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey Madaxweynuhu in uu kula kulmay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi oo muddo ay socotey arrinta la xiriirta furitaanka kastamkaasi.

Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada,  isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis taariikhi ah ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo  isku xidhi doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maal-gashiyo caalami, waxaana ku tilmaamay safarkaasi mid guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.

IMG_6758 IMG_6756 IMG_6741 IMG_6729 IMG_6727 IMG_6700 IMG_6695

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here