Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Biyaha Badda Cas

0

Dadkaani tahriibayaasha ahaa ayaa ku dhawaad 5-cishe la la’aa iyadoona warkoodu uu u dambeeyay Markii ay ka baxeen magaalo xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari.

Xalay ayaa dekeda  Magaalada  Boosaaso ee Gobolka Bari  waxaa Gaaray markab Dagaal kaa oo waday ku dhawaad 92-ruux oo muhaajiriintii shanta cishe la weysanaa ah.

Markabkaani ayaa laga leeyahay Wadanka jarmalka waxa uuna kamid yahay maraakiibta midowga Yurub ee ka howl gala Xeebaha Soomaaliya.

Dadkaani ayaa u socday Wadanka Yemen iyadoona kadib doonayey in ay kaga sii talaabaan Wadanka Sacuudiga oo daris ah wadankaasi.

Dadka qaarkood ayaa durba la geeyey isbitaal maadaama mudo shan cishe aysan cunin cunooyin ku filan qaarkoodne inta ay saarnaayeen markabka dagaalka ah ee NATO la sheegay in lagu dhex daweenaye.

Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya,

Tahriibayaashaan gacanta lagu dhigay ayaa imaanaya xili maamulka Puntland uu horay u sheegay in guud ahaan Deegaanada Maamulkaasi aysan ka jirin dhalinyaro ka tahriibto.

Tahriibayaasha Soomaaliyeed ayaa inta ay kusii jiraan biyaha  caalamiga ah waxa ay la kulmaan Dhibaatooyin kala duwan sida: in ay naftooda ku waayaan, iyo Dhibaatooyin ay kala kulmaan Ciidamada wata maraakiibta dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here