Raisulwasaaraha Soomaliya oo Maanta Hortagaya Baarlamanka Soomaliya

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa saakay lagu wadaa in uu hortago xildhibaanada baarlamanka soomaliya si wax loogu weydiiyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo kulankii todobaadkii hore shir gudoominayay ayaa sheegay in raisulwasaaraha iyo xukuumadiisa looga fadhiyo in ay baarlamaanka horkeenaan qorshaha doorasho ee dalka iyo qoddobada ku qornaa heshiiskii dhawaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada gaareen .

Dhanka kale qaar kamid ah wadooyinka soo gala xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay la xiray waxaa lagu arkayaa wadooyinkaas ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here