Dhageyso:- Beelo dhawaan dagaalamay oo ku heshiiyey Gobolka Hiiraan.

0

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo Waramaya in Magaaladaasi galinkii Dambe Shalay ay heshiis nabadeed ku gaareen Beelo dhawaan dagaal uu ku dhaxmaray Magaaladaasi.

Heshiisk ayaa waxaa saxiixay Odayaal,Cuqaal,Waxgarad iyo Waliba aqoonyahanno ka kala socda Beelaha dirirtu dhaxmartay waxaa waxyaabaha lagu heshiiyey k mida:- in laga ilaaliyo deegaanadaasi inuu mar dambe kusoo laabto dagaallo beeleedyada,in Ciddii bilowda dagaalka Mar kale lala tiigsado sharciga iyo arimo kale oo ku saabsan sidii looga hortagilaha dhicidda dagaallo kale.

Nabadoon Cali Cabdullaahi Cabdi oo kamida nabadoonnada kasoo jeeda gobolka hiiraan ayaa u sheegay idaacadda Simba in ay isku raaceen Waxgaradkii isugu yimid Madasha heshiiska inay ciddii ka tirsan labada Beelood ee jabisa heshiiska ganaax xooggan ay la kulmayso sida uu sheegay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here