Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud oo Shalay Ka hadlayey Xarunt Jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa uu ka hadlay arimo la xiriira hormarinta Jaamacadda iyo waliba dhismayaal iyo dib u habayn lagu sameyndoono Xarumaha Jaamacaddu ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada AMISOM laga saarayo xarunta Jaamacadda ee Gahayr ee Magaalada Muqdisho islamrkaana ay durbaba bilaabeen ciidamada AMISOM ka bixidda Xaruntaasi inta ku harsanna ay dhawaan ka bixidoonaan.
Waxaa intaa uu raaciyey Xasan Sheekh in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay sii Dagayaan hadda xarunta jaamacadda Umadda ee Magalada Muqdisho ilaa inta dayactirka lagu bilaabayo,waxaana hadalka Madaxweynaha durbaba soo dhaweeyey Maamulka,Macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ku tilmaamay arinkaan Mid la wda Sugyey.
Hoos Ka dhageyso Codka Madaxweynaha.

