Guddoonksa Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa ku wargaliyay Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Shamarke in uu hor yimaado Golaha Shacabka taariikhda marka ay tahay 30/4/2016 oo ku beegan maalinta sabti ah.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan (Jawaari) oo kulankii maanta shir gudoominaayay ayaa sheegay in Raisulwasaaraha laga doonayo xarunta golaha shacabka maalinta sabtida ah si wax loogu weydiiyo hanaanka doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaya iyo sida ay xukuumada soomaliya u wajahayso.
Dhanka kale Guddoonka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in la hakiyay dhamaan Safaradii ay Xildhibaanada baarlamanka soomaliya ku aadi lahaayeen Dalka Dibaddiisa, marka laga reebo Xildhibaannada Xubnaha ka ah Baarlamaannada Caalamiga ah.

