Axmed Madoobe oo Gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethopia

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia.

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Nairobi wuxuuna kulamo kula lahaa siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada jubooyinka iyo gedo ee ku sugan dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya  kala hadlay sidii maamulkiisa loo taageeri lahaa .

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa Magaalada Addis Ababa kaga  horeeyay Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). oo dhankiisa maalmihii dambe ku suganaa Magaaladaas.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Ethopia ay heshiis dhaxdhigi rabto madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo la sheegay in ay isku maan dhaafeen sida loo maareenaayo ciidamadii barre Hiiraale.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here