Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgal ka Sameeyay Degmada Deyniile

0

Afhayeenka wasaarada amniga Gudaha C/kaamil Macalin shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugida ay howlgal qorshaysan ay ka sameeyeen xaafadaha degmada deyniile ee gobolka Banaadir.

Ilaa 15 ruux ayuu sheegay afhayeenka in ay gacanta ku dhigeen  ciidamada ammaanka  kuwaasi oo Hay’adaha Amniga Dowladda ay baaris ku wadaan xiligaan.

“Ciidamada Nabad sugida waxa ay gacanta ku dhigeen 15 ruux oo saddex ka mid ah yihiin Shabaab mid kamid ah dhaawac ayuu ahaa ayuu yiri C/kaamil Macalin shukri Afhayeenka wasaarada amniga Gudaha.

Maalmihii dambe ciidamada Hay’ada Nabad  sugida ayaa howlgalo ka waday qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xili ay Magaalada Muqdisho maamlmihii dambe ay ka dhacayeen  falalka amniga lidiga ku ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here