Wasiirka amiga ee Maamulka Puntland Cabdi xirsi Cali(Qarjab) oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa digniino u direy shaqsiyaadka Magaciisa ku adeegsada dhanka Baraha Bulashada.
“Waxaa soo baxay waayahaan dambe dad magacayga iyo sawirkayga ku maraya Facebook kadibna aflagaado aan loo meel dayin kula dhaqaaqaya dad masuuliyiin ah. Waa wax aad looga xumaado in qof magaciisa laga been abuurto, arrintaas waxaan uga digayaa dadka faraha kula jir.” Ayu yiri wasiirka amniga ee Puntland.
Wasiirka amiga ee Maamulka Puntland Mudane Cabdi xirsi Cali(Qarjab) ayaa tilmaamay inuu la yaaban yahay sababta shakhsiyaadkaas ay u adeegsanayaan magaciisa isla markaana ay ku af-lagaadeynayaan Madaxda maamulka Puntland.
“Adeerayaalow haddaad doonaysaan inaad cid dhibaataysaan ku dhibaateeya magacyadiina, laakiin haku dhibaateenina qof masuul ah magaciisa iyo sawirkiisa.” Ayuu yiri Wasiirka amiga ee Maamulka Puntland Cabdi xirsi Cali(Qarjab).
Hadalka Wasiirka amiga ee Maamulka Puntland Cabdi xirsi Cali(Qarjab) ayaa kusoo beegamaya xili maalmihii dambe lagu arkayay baraha bulshada ciwaanka magaca wasiirka amniga Maamulka Puntland waxaana ciwaankaas lagu soo Bandhigay ereyo aflagaado u badan.

