Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo maalmihii dambe ay maamulayeen ciidamada Xarakada al-shabaab.
Barta Twitter-ka amisom ayaa lagu shaaciyay in ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka.
AMISOM waxa ay sidoo kale sheegtay in ay fashileenn weerar ay deegaanka Janaale kusoo qaadi lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada al-shabaab oo isaga baxay deegaanka.
Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab ayaa la sheegay in ay haatan ku sugan yihiin deegaan aan sidaaas ugu fogeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa AMISOM.

