Shir loogu Hadlaayo Horumarinta Cadaalada oo Muqdisho ka Furmay

0

Shir loogu hadlaayo horumarinta Cadaalada dalka soomaliya Ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya Mudane Caydiid Ilka Xanaf ayaa furey shirka loogu hadlaayo horumarinta Cadaalada dalka waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya.

Shirka intuu socdo ayaa la sheegay in loogu hadli doono sidii loo tayeyn lahaa cadaalada dalka  waxaa sidoo kale qeyb galaya shirka Wasiirka Cadaalada xukuumada soomaliya Mudane C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi, kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, la taliyaha Madaxweynaha dhinaca sharciga. Iyo qaar kamid ah wasiirada Cadaalada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

1-21 3-24 7-14 9-5 10-7

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here