Joseph Nkaissery:- Dowlada kenya Waxa ay Dib u Bilaabaysaa Dhismaha Darbiga Xuduuda

0

Wasiirka arrimaha Gudaha kenya Joseph Nkaissery oo kulamo la qaatay siyaasiyiinta iyo odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa sheegay in dowlada kenya ay dib u bilaabayso dhismaha darbiga laga dhisaayo xuduud beenaadka soomaliya iyo kenya.

Mudane Joseph Nkaissery  ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan dhismaha darbiga dhererkiisu lagu qiyaasay in uu dhan yahay 700Km, kaasi xuduudka u dhaxeeya soomaliya kenya laga dhisaayo.

“Dhismaha darbigaan dheer waxa uu naga caawin doonaa in aan baaritaan ku sameyno ama gacanta ku dhigno Dadka xiriirka la leh Al Shabaab ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha kenya Joseph Nkaissery.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here