Maamulka Koonfur galbeed soomaliya ayaa ka hadlay lix qarax oo saakay ka dhacday deegaan la yiraahdo Raydable, oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ragii saakay isqarxiyay in ay ku jireen ajaanib isla markaana uu maamulka ku mashquulsan yahay wadamada ay kasoo kala jeedaan.
Wasiir Xasan Cabdi Maxamed wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkani uu ka dambeeyay, ka dib markii ay xogag ka heleen bulshada ku dhaqan deegaankaasi.
Saakay ayay aheyd markii lix nin ay isku qarxiyeen deegaanka Raydable oo ku yaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

