Xirsi Maxamuud :- Waxaan Baaraynaa Xasuuq La Sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis Ay Geysteen

0

Mudane Xirsi Maxamuud Wasiirka Gar Gaarka Bini aadanimada iyo Daryeelka Naafada ee maamulka Gal-Mudug oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Galgaduud uu baari doono wararka sheegaya in dad shacab ahaa lagu laayay Deegaano ka Tirsan maamulka Galmudug.

Wasiir Xirsi Maxamuud  ayaa tilmaamay in Wasaarada lagu soo wargaliyay in dad shacab ahaa lagu laayay Deegaanka dacdheere ee Gobolka Galgaduud kadib Markii ay Deegaanka weerar kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa ismaamulka soomali-da Ethopia ee Liyuu boolis maalintii shalay aheyd.

Dhanka kale Wasiirka Gar Gaarka Bini aadanimada iyo Daryeelka Naafada ee maamulka Gal-Mudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka dacdheere ee Gobolka Galgaduud in ay dagaalka joojiyaan ayna miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here