In ka badan 176 hogaamiye ayaa magaalada new York ee mareykanka ku saxiixay qodobadii kasoo baxay shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay dalka faransiiska bishii November ee sanadkaan 2016.
Shirkaasi ayaa looga hadlay isbadalka cimilada dunida iyadoo hogaamiyaasha kasoo qeyb galay ay sheegeen in ay hirgalinayaan qodobada shirkaasi kasoo baxay.
Isbadalka cimilada ayaa hogaamiyaasha ay isku raaceen in marka la gaaro sanadka 2020-ka uu wax weyni iska badalo.
Madaxweynaha faransiiska oo kulanka kasoo qeyb qaatay ayaa sheegay in ay muhiimadu tahay wax ka qabashada isbadalka cimilada balse aan hadal wax lagu xalin Karin oo kaliya.

