Wararka idaacada simba ay ka halayso Gobolka Galgaduud xadka uu la wadaago ismaamulka Soomalida Ethopia ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu halkaas ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa xiligaan hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka la sheegay In ay soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis. ee ismaamulka Soomalida Ethopia.
Dhanka kale Lama xaqiijin karo qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Dagaalka ayaa imaanaya xili ciidamada Liyuu Boolis ay dad shacab ah ay ku laayeen deegaanka dacdheer ee Gobolka Galgaduud.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

