Wararka naga soo gaaraya deegaan 5km u jira deegaanka dacdheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay halkaas ku laayeen dad kor u dhaafaya 25-qof oo shacab ahaa.
Ciidamada Ethopia ayaa sidoo kale la sheegay in deegaanka ay ka af-duubteen dad kor u dhaafaya 50-ruux iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamada Ethopia ay dil iyo af-duub ay ka geystaan deegaan hoos yimaada Gobolka Mudug.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Galmudug oo aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan ka dhacday deegaan hoos yimaada Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan sheegay in dowlada Ethopia uu kala hadlay tacadiyada ay geystaan ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka amisom.

