Madaxweynaha Juba-land iyo ku-xigeenkiisa oo Lagu Heshiisiinayo Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethopia.

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe )ayaa saakay ku wajahan Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia.

Ujeedka safarka Madaxweynaha maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe)  ayaa lagu sheegay sidii  loo heshiisiin lahaa isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisiisa General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la sheegay in uu ka xumaaday sida loola dhaqmay ciidamadii Barre Hiiraale ee dhawaan kusoo biiray kuwa maamulka Juba-land.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo haatan ku sugan Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia uu saluugsan yahay sida loo dhaqmay ciidamadii barre Hiiraale ee dhawaan gacanta loo galiyay mas’uuliyadooda Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Amisom.

Ciidamadii Barre Hiiraale ee dhawaan isku soo dhiibay maamulka Juba-land waxaa isku qilaafay sida loo maareenaayo ciidankaaas Mas’uuliiyiinta ugu sar-sareysa maamulka Juba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here