Gudoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo maanta warbahinta la Hadlay ayaa ka hadlay tacadiyada ay ciidamada Midowga africa ee AMISOM ay u geystaan shacabka soomaliyeed.
Mudane Maxamed shiikh Maxamuud (Jawaari) ayaa tilmaamay in saraakiisha ugu sar-sareysa Ciidamada Midowga africa ee Amisom lagala xisaabtami doono falalka ay ku kacaan ciidamada hoos yimaada AMISOM isla markaana xukuumada soomaliya si gaar ah arimahaasi ay ula socoto.
“Saraakiisha ugu sar-sareysa ciidamada Midowga africa ee amisom ayaa lagala xisaabtami doonaa dilalka ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka soomaliyeed ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Jaawari.
Hadalka Gudoomiye jawaari ayaa imaanaya xili dhawaan ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda ay 4-ruux ku dileen deegaanka buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

