Waxaa Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ku geeriyooday General Karuhanga oo ahaa Taliyihii ugu horeeyay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Jooga.
General Karuhanga Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay xanuunsanayay waxaana uu ku jiray isbitaal la yiraahdo Nakasero hospital oo ku yaala Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.
Afhayeenka ciidamada Difaaca Uganda Lt Col Paddy Ankunda ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in uu geeriyooday Taliyihii ugu horeeyay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Jooga General Karuhanga.
Wakiilka Gaarka ah ee midowga africa Ambassador Madeira ayaa ka Tacsiyeeyay geerida ku timid General Karuhanga wuxuuna sheegay in uu ahaa Halyey ka baxay Ciidanka AMISOM isla markaasna Door wanaagsan ka ciyaaray Nabad ku soo Dabaalidda Soomaaliya .
Karuhanga ayaa ku dhashay degmada la yiraahdo Bushenyi 24 February 1956. Waxaana uu wax ka bartay iskuul la yiraahdo Mwengura Primary Schools oo ku yaala dalka Uganda.

